Cagjar iyo Laftagareen oo ka wada hadley amniga iyo iskaashiga

Published: August 8, 2022
Shares32

Madaxweynaha Dowladda Deegaanka Soomaalida ayaa Jigjiga ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Casbdicasiis Maxamed Laftagareen.

Kulankan ayaa imaanaya kadib dagaalo culus oo ka dhacay xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya iyo weliba gudaha Itoobiya kadib markii boqolaal Malayshiyaadka al-Shabaab ay galneen dhamaadkii bishii hore.

Madaxweynaha Dowladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cumar ayaa qoraal uu ku soo dhaweynaayo Laftagareen ku faafiyey bogiisa Twitterka waxaana uu ku qorey lahfajdda Maayga waxaana uu yiri:

Madewayne Hadhawaaw. Wali ka farahsanaa inii hakii dhawaay Jigjiga. Shi’ibka Koonfur Galbeed Soomaaliyana wali lahaa ay tirinney magaage isla tiiriney.

Mustafe Cagjar

Qoraal ka soo baxay Jigjiga ayaa lagu faahfaahiyey kulankan waxaana lagu yiri:

“Iyada oo laga duulayo heshiiska iskaashi ee dhanka amniga ee ka dhexeeya labada dal ee Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa kulan ku dhexmaray Madaxweynaha DDS iyo dhiggiisa Dowladd-goboleedka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya, kulanka ayaa salka ku hayo sidii Alshabaab looga sifeyn lahaa xuduudda ay wadaagaan labada deegaan.”

Labada dhinac ayaa isla gartey sidii wadajir amniga looga shaqeyn lahaa si looga sifooyo gobolka al-Shabaab.

Xildhibaan odowaa

Ciidamada Itoobiya ayaa gobolada xuduudka la leh dalkooda ka wada dhaq-dhaqaaq mileteri kadib hanjabaadihii al-Shabaab.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *