Kulankii hogaamiyayaasha Masar, Israel iyo Imaaraatiga

Published: March 23, 2022

Hogaamiyaasha Masar, Israel iyo Imaaraadka Carabta ayaa Talaadadii ku kulmay magaalada loo tamashlo tago ee Sharma Al-Sheekh ee ku taal badda cas.

Dowlada Masar ayaa sheegtay in kulankaas looga hadlay arrimaha tamarta iyo sugnaanta cuntada.

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa ku martigeliyay kulankan Dhaxal-sugaha Abu Dhabi, Sheikh Mohammed bin Zayed iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Naftali Bennett – oo ah shir madaxeedkoodii ugu horreeyay ee saddex geesood ah tan iyo markii Imaaraadku heshiiska la galay Israa’iil.

Madaxtooyada Masar ayaa sheegtay inay ka wada hadleen xasiloonida suuqyada tamarta iyo sugnaanta cuntada, iyo sidoo kale arrimaha caalamiga ah iyo kuwa gobolka, iyadoo aan faahfaahin laga bixin.

Sadexddan hogaamiye oo hada u muuqda xulafo cusub inay sameysanayaan ayaa dhamaantood dhaliilsan qaabka xukuumada Maraykanka hada u wajaheyso heshiiska Nuckliyeerka ee Iran, dalalkan ayaa si weyn uga soo horjeeda in heshiiskaas ay dib usoo celiso xukuumada Joe Biden.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *