Kulankii Madaxweynaha Puntland iyo Isimmada SSC oo natiijo la’aan ku dhamaadey!

Published: December 5, 2023
Shares50

Isimmada SSC-Khaatumo ee hormuudka ka ahaa xalinta khilaafka ka taagan doorashooyinka Puntland ayaa maanta kulan la qaatey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ee muddo xileedkiisa ay ka harsan tahay maalmaha kooban.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Isimadda SSC-Khaatumo ayaa madaxweynaha u direy guddi kaas oo sidey hal fariin oo ah: haddii aan nahay isimmada, culimada iyo bulshada kale waxaan rabnaa in aan ku dhawaaqno xalka doorashada, sidaas darteed ka hor inta aanan ku dhawaaqin waxaan madaxweyne kaa codsaney in aad noo qoor-dhiibato, haddii aad noo qoor-dhiibato oo aad ku kalsoonaato go’aankayagu ma noqon doono mid kuu darnaan doona.

Madaxweyne Deni ayaa ku adkeystey inta aanu qoor-diiban in loo sheego go’aanka lagu dhawaaqi doono, taas oo isimmadu madaxweynaha uga jawabeen in qoor-dhiibashadu aysan sidaas u shaqeyn, laakiin uu niyadda kheyr u sheego oggolaado in uu bixiyo kalsoonida.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa diidey in uu qoor-dhiibto, waxaana uu ku yiri Isimmoow dhaqan ayaad tihiin, waxaan waa siyaasad waxay u baahan tahay shuruuc, sidaas darteed isaga baxa anniguna idinkuma kalsooni in aad taladeyda idinku wareejiyo. Isimmada ayaa xusuusiyey Madaxweynaha in wakhtigiisi dastuuriga ahaa dhamaad yahay, loona baahan yahay xal.

Waxaa hadda shir u socdaa Isimmada SSC-Khaatumo kaas oo ay isku wargelinayaan, waxaa la sugayaa 24 saac ee soo socota in ay ku dhawaaqaan go’aanka.

Horey waxaa Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ugu gacan sayrey Isimmada Puntland oo ugu horeeyo Boqor Burhaan Boqor Muuse, waxa uu ka tala diidey Culimada Puntland oo uu hoggaaminaayo Sheekh Daahir Sheekh Cabdi, sidoo kale waxa uu diidey taladii ganacsatada Puntland ugu waaweyn oo ay hoggaamineysey Rugta Ganacsiga Puntland.

Kalfadhigii baarlamaanka waxaa ka dhiman afar maalmood oo keliya, Xeerkii doorashada qof-iyo-cod ma haysto madaxweynuhu oo banaanka baarlamaanka ayuu ku qoyey, ma jirto sifo sharci ah oo uu ku dhaafi karo 8 Janaayo ilaa hadda iyo nooc doorasho oo la isla oggol yahay, waxaana xaaladda Puntland uu ka dhigey hubanti la’aan aan jiho iyo jid lahayn.

Horseed Media