Kulankii Madaxweyne Deni iyo qaar kamid ah bulshada Nugaal maxaa looga hadley?

Published: June 14, 2023

Habeenimadii xalay ee Arbacadu soo geleysey waxaa Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni, Madaxtooyada ku casumey qaar kamid ah bulshada gobolka Nugaal ku dhaqan, kuwaas oo u badnaa kuwa taagersan in doorashada goloyaasha deegaanka la qabto.

Ujeedada ugu weyn ee kulanka ayaa ahaa is xogwaraysi, iyo sida laga yeelaayo saddexda degmo ee dadkooda la diiwaan geliyey ee ka harey doorashada.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka soo qaybgalayaashii casumaada u sheegay in ay is xakameeyeen doelad ahaan, doorashadana aysan xoog ku hirgelineyn, laakiin uu aad ula yaaabn yahay in bulshada gobolka Nuaal 95% ay taageersan yihiin doorashooyinka, haddana aysan ka hirgelin, waxa uu hoosta ka xariiqey in ay bulshada u taalo arrinta doorashadu, horey ayaan u soconeynaa, dibna loo noqon maayo ayuu yiri.

Dhanka kale Madaxweynaha Puntland ayaa is weydiiyey sida ay caasimadda Puntland u ekaanayso haddii koox yar ay afduubnaato, Puntland oo dhan ayey caasimad u tahay, haddii aan doorasho lagu qaban sow dadka reer Puntland isma weydiin doonaan maqaamkeeda ayuu yiri.

Madaxweyne Deni waxa uu shaagey in dastuurka la furi doono, xisbiyo 5 iyo ka badana ay soo bixi doonaan sida hadalka uu u dhigey, sida ay qaar kamid ah ka soo qaybgalayaashii casumaadda ay Horseed Media u shegeen.

Qaar kamid ah dadkii shirka ka qaybgalay ayaa si weyn u dhaliiley wasiirada iyo taliyaasha ka soo jeeda gobolka Nugaal kuwaas oo awoodi waayey in ay doorashada ka hirgeliyaan deegaanadooda.

Isku soo duubo kooxda diidan in doorasho laga qabto saddexda degmo ee gobolka Nugaal ayaa ku doodaya in Madaxweyne Deni uu ku dhawaaqo in uu qaban doono doorashada Madaxweynaha xiligeedi, kuna qaban doono nidaamkii isaga lagu soo doortey.

Golaha wakiilada ee Puntland ayaa maalinta khamiista ah waxaa u furmaya kalfadhigoodi 52aad, waxaana isha lagu hayaa khudbadda Madaxeyne Deni ka jeediyo halkaas iyo sida xildhibaanadu ugu dhiiradaan in la furo dastuurka waxna laga beddelo qodabadiisa.

Horseed Media