Kulankii Safiirka Maraykanka iyo Wasiirka Gaashaandhiga

Published: November 11, 2020

Wasiirka Gaashaandhiga Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Mareykanka Donald Yamamoto.

Kulankan ayaa looga hadlay xiriirka Maraykanka iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya xili dowlada Soomaaliya ay walaac ka qabto hadaladii kasoo yeeray Madaxweynaha wakhtiga ka dhamaaday ee Maraykanka Donald Trump oo sheegay inuu dalka ka saari doona ciidamada Maraykanka ee tababarada iyo taageerada siiya Militariga Soomaaliya.

Safiirka Maraykanka Yamamoto ayaa sheegay inuu soo dhaweenayo dadaalada ay dowlada Soomaaliya wado iyo dib u habeynta ciidamada lagu sameeyey.

Hase yeeshee waxaan illaa iyo hada la ogeyn siyaasada Maraykanka qaabka ay isu bedali doonto xili xukuumada wakhtiga ka dhamaaday ee Trump aysan soo bandhigin qorshe dhameystirin ee ku aadan ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

Trump ayaa maalin kahor xilka si kadis ah uga xayuubiyey Xoghayihii Gaashaandhiga Maraykanka Mark Esper oo isagu la sheegay inuu ku khilaafay Donald Trump arrimaha siyaasada guddaha iyo waliba dib usoo celinta ciidamada Maraykanka ee ku sugan Afghanistan iyo Afrika.

Joe Biden Madaxweynaha cusub ee la filayo inuu xilka la wareego bisha Janaayo 2021 ayaa la rajeenayaa inuu la yimaado siyaasad degan oo ku aadan arrimaha dibada.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *