Kurdida oo ogolaaday inay ka baxaan dhulka xaduuda Siiriya-Turkey

Published: October 20, 2019

Sarkaal sare oo u hadlay Xoogaga Kurdida ee SDF/YPG ayaa sheegay inay ciidamadooda kala bixi doonaan dhulka ku dhaw xaduuda Turkiga sida uu qorayo heshiiska xabad  joojinta ah oo ay wada gaareen Turkiga iyo Maraykanka khamiistii lasoo dhaafay.

Kurdida ayaa sharuud uga dhigay in ciidamada Turkiga ay culeyska ka dulqaadaan magaalada Ras Al-Cayn oo ay maalmihii lasoo dhaafay dagaalo culus ka dhaceen isla markaana ay go’adoomiyeen ciidamada Turkida iyo xulafadooda, Kurdida ayaa hada doonaya in maanta oo Axad ah ay goobahaasi kala baxaan shacabkooda iyo ciidamada weli ku sugan deegaankaas balse sheegay in ay Turkida weli aysan furin wadooyinkii ay mari lahaayeen.

Heshiiska xabad joojinta ah oo ay Khamiistii magaalada Ankara ku gaareen Madaxweynaha Turkiga Erdogan iyo wafdi ka socda Maraykanka oo uu hogaaminayo Madaxweyne kuxigeenka Mike Pence ayaa ah mid soconaya illaa Salaasada soo socota, Erdogan ayaa shalay ku goodiyey in ciidamadiisa duulaanka dib u bilaabi doonaan hadii xoogaga kurdida aysan dib uga durkin ugu yaraan 30km xaduuda Turkiga laleeyahay wadanka Siiriya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *