Kuuriyada Koonfureed: Madaxweynihii hore Yoon oo la doonayo in lasoo xiro

30 December, 2024

Guddiga baarista ayaa codsaday amar lagu soo xirayo madaxweynaha shaqada laga joojiyay sababo la xiriira soo rogitaanka xaaladda deg deg ah.

Maamulka Kuuriyada Koonfureed ayaa codsaday amar lagu soo xirayo madaxweynaha shaqada laga joojiyay ee Yoon Suk-yeol, sababo la xiriira ku dhawaaqistiisa muddada gaaban ee sharciga dagaalka.

Xarunta Dhexe ee Baadhista Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay maanta oo Isniin ah in ay raadinaysay in la soo xiro Yoon iyada oo la xiriirta kacdoon iyo ku takrifal awoodeed.

Maxkamad ayaa go’aan ka gaari doonta in la soo saaro waaran, kaasoo noqon doona kii ugu horreeyay taariikhda Kuuriyada Koonfureed.

Horseed Media