Dowlada Kuuriyada Waqooyiga ayaa maanta oo Khamiis ah sheegtay in lagu guuleystay tijaabada Gantaalka Qaaradaha isaga goosha ee loo yaqaan ICBM.
Gantaalkan ayaa ah kii ugu ridada dheeraa oo ay tijaabiso dowladaasi sanadihii lasoo dhaafay.
Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un oo ku sugnaa goobta tijaabada ayaa sheegay, in tani ay digniin u tahay cadowgooda.
Gantaalkan oo hawada ku jiray muddo 87 daqiiqo ah ayaa gaaray joog sare oo dhan 7000km wuxuuna socday in ka badan 1000km, wuxuuna kusoo dhacay waqooyiga badda dalka Japan, nawaaxiga jasiirada Okushiri.
Tijaabada gantaalkan ayaa waxaa walaac ka muujiyey dowladaha Japan iyo Kuuriyadda Koonfureed oo xulafo ah Mareykanka.
Kuuriyadda Waqooyi ayaa tijaabadan kusoo beegtay xili ay sare usii kaceyso xiisada ka taagan qaarada Aasiya iyo waliba cambaareynta maalmahan uga imaaneysa dalalka reer Galbeedka, kadib markii ay soo baxday xogta sheegaysa in wadankaasi uu ciidamo kumanaan gaaraya u diray Ukraine, si ay gacan u siiyaan xulafadooda Ruushka.
Horseed Media