Kuuriyada Woqooyi oo tijaabisay gantaallo nooca loo yaqaan ‘cruise missiles’

Published: January 30, 2024
Shares26

Kuuriyada Waqooyi ayaa qaaday tijaabadii saddexaad ee gantaaladeeda nooca loo yaqaan Kuruus (Cruise) Gantaalada, iyadoo hubkaasi ku ridday baddan, tijaabadan oo ah tii 3aad muddo asbuuc gudaheed ah.

Warbaahinta dawladdu waxay sheegtay in hoggaamiye Kim Jong Un sheegay in lagu guuleystay soo-saarka gantaallada istiraatiijiga ah ee badda-hoosteeda, ee loo yaqaan Pulhwasal-3-31, dhammaadkii isbuucii hore.

Dhanka kale, Japan, Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka, ayaa ballaarinayey dhoolatuskooda milateri ee isku dhafan – kaas oo Kim uu ku tilmaamay diyaar-garowga duulaan iyaga kusoo wajahan.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, Kim wuxuu ku dhawaaqay in dalka Kuuriyada Koonfureed uu yahay “cadowgooda ugu weyn”, wuxuuna xiray wakaaladihii loo dhisay dib u mideynta labada dal.

Horseed Media