Kuwait oo gar-gaar deg-deg gaarsiineysa Beledweyne.

Published: November 6, 2019

Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kuwait oo uu horkacayo Danjire Cabdullahi Maxammed Odowaa ayaa kulan laqaatay madaxda ugu sarreysa Bisha-Cas ee dalkaasi.

Kulanka ayaa ku saabsanaa sidii ay hay’adda Bisha-Cas ee dalka Kuwait ugu qeyb qaadan lahayd gurmadka caalamiga ah ee lagu taakuleynayo dadkii ay waxyeelladu kasoo gaadhay roobabka iyo fatahaadaha webiyada Jubba iyo Shabeelle .

Hay’adda Bisha-Cas ee dalka Kuwait oo looga bartay caawinta dadka Soomaaliyeed xilliyada adag ayaa lagu wadaa in ay gar-gaar gaarsiisayo qoysaska ku waxyeelloobay fatahaadaha gaar ahaan musiibada ka taagan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Bisha-Cas ee dalka Kuwait oo ka jawaabeysa codsiga safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi ayaa waxay ballan qaadday in ay si deg-deg ah wax ugu qaban doonto Dadka ay fatahaaduhu saameeyeen.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *