Laamaha amniga ee Galmudug oo qabtay hub iyo walxaha qarxa

Published: August 19, 2022
Shares36

Ciidamada Booliska ee Galmudug ayaa howlgallo dhinaca amaanka ah oo ay ka fuliyeen deegaanno maamulkaasi hoos yimaada waxa ay kusoo qabqabbteed dad, hub iyo walxaha qarxa.

Taliyaha Saldhigga Booliiska Gaalkacyo Dhamme Cali Xirsi Sahal ayaa sheegay in waxlaha qarxa oo ay kusoo qabteen howlgallo ay ka sameeyeen Duleedka Deegaanka Dagaari ee Gobolka Mudug.

Sidoo kale Taliyaha waxa uu sheegay in howlgalkaan ay kusoo qabteen ku dhawaad 50 Miino oo meel lagu keydinayay iyo dadkii waday.

Gobolka Mudug waxaa ka socda Howlgallo amni oo ay sameynayaan ciidmada Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *