Laamaha Amniga Puntland oo gacanta ku soo dhigay ajaanib ka tirsan Khaawarijta Daacish

Published: November 21, 2023

Afhayeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidanka dowlad gobaleedka Puntland ay gacanta ku soo dhigeen afar dhagar qabe oo ka tirsan Khawaarijta Daacish, kuwaas oo u wada dhashay dalka Marooko.

Afhayeenka ayaa sheegay Hawgal ay ciidanka dowlad gobaleedka Puntland ka sameeyeen Buuraha Cali Miskaad November 18, 2023-ka ay gacanta ku soo dhigeen ajaaniib u dhalatay dalka Marooko, kuwaas oo ka tirsan Khawaarijta Daacish

“Ciidamada Amaanka Puntland ayaa gacanta ku dhigay afar dhagar-qabe oo ka tirsan khawaarijta Daacish oo u dhashay wadanka Marooko,” sida uu yiri Afhayeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sadiiq Adan Cali (Doodishe).

Sidoo kale Afhayeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sadiiq Adan Cali (Doodishe) ayaa sheegay in Hay’adaha ammaanka ay wadaan baaris, isaga oo xusay in marka ay dhammaato baarista ay shacabka Soomaaliyeed la wadaagi doonaan.