Laascaano: Somaliland oo amar siisay ciidamadeeda, iyadoo dagaalka uu galay maalinkii 7aad

Published: February 12, 2023

Maalinkii todobaad waxaa magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool ka socda Dagaal culus iyo duqeymo aan kala sooc laheyn.

Ciidamada Somaliland oo doonaya inay magaalada qabsadaan iyo dadka degaanka diidan damacaas ayaa weli halkaas ku dagaalamay.

Khadaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay dagaalka iyo duqeynta ay geysanayaan ciidamada Somaliland.

War saaka ka soo baxay Somaliland ayaa waxa ay beesha caalamka iyo bulshada reer Sool ku wargelisay inay ka go’antahay go’aankii  Xabad joojinta ahaa ee ay soo saartay 10-kii February 2023 kaas oo ahaa in shuruud la’aan xabadda ku joojiso, iyadoo ciidamadeeda Somaliland lagu amray inay is-difaacaan.

Sidoo kale Somaliland ayaa sheegtay in xaaladda Laascaanood aanay ahayn mid muujinaysa cabashooyin bulsho, balse ay tahay qorshe ay wadaan dad Soomaaliyeed.

Somaliland ayaa horey u sheegtay in Argagixiso, ciidamada DFS, kuwa PSF iyo Kuwa Puntland ay la dagaalamayso.

Horseed Media