Laascaanood: Golaha Dhexe ee SSC oo doortey Guddoomiyaha Golaha fulinta ee maamulka SSC

Published: August 5, 2023
Shares20

Laascaanood: Golaha Dhexe ee maamula Sool, Sanaag iyo Cayn ee loo yaqaan Khaatumo ee Soomaaliya ayaa maanta u fariistey magaalada laascaanood xarunta gobolka Sool doorashada hoggaamiyaha golaha fulinta eemaamulkaas, waxaana ku tartamey laba musharax oo kala ah Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali iyo Maxamed Ismaaciil Bulaale.

Golaha Dhexe ee maamulka SSC ayaa ka kooban 45 xubnood, waxaana natiijada ku dhawaaqey Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee mamaulka SSC Jaamac Yaasiin, waxaana uu sheegay in Cabdulqaadir Axmed Aw-cali uu helay 30 cod, halka musharaxa la tartamaayey ee Maxamed Ismaaciil Bulaale uu helay 15 cod.

Guddoomiyaha Golaha Fulinta ee SSC ayaa laga sugayaa in uu soo dhiso golihiisi fulinta ee la shaqeyn lahaa.

Golaha Dhexe ee mamaulka SSC oo u shaqeynaya sidii baarlamaan waxaa iska soo dhex doortey beelaha deggan Sool iyo Cayn iyo weliba meelo kamid ah Sanaag, waxaa ansixiyey odoyaasha Dhaqanka. Golaha Dhexe ee SSC ayaa dhawaan u doortey guddoomiye Jaamac Yaasiin.

Waxaa muuqata in Gobolada Sool iyo Cayn ay u xuubsiibanayaan maamul iskiis u taagan oo ka madax banaan maamulada Puntland iyo Somaliland.

Doorashada Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Cabdulqaadir Axmed aw-cali ayaa markii la dooranaayey xirnaa dharka Mileteriga, iyo koofiyad calanka Soomaaliya ku xardhan yahay, Guddoomiyaha waxaa horyaala shaqo weyn oo ay ugu horeyso sidii Somaliland looga wada saari lahaa gobolka Sool meelaha ay ka joogaan, gaar ahaan dhulka ku dhaw magaalada Laascaanood.

Dhinaca kale, shacabka soomaliya ayaa si gaar u ah daneenaya sida xukuumada federaalka ee Muqdisho usoo dhaweyso maamulkan cusub ee isagu doonaya inuu xubin ka noqdo federalka Soomaaliya.

Horseed Media