Laascaanood: Hay’adda Laanqeyrta Cas oo war ka soo saartey booqashadii maxaabiista Somaliland

Published: September 1, 2023

Hay’adda Laanqeyrta Cas ayaa war saxaafadeed ka soo saartey booqashadii ay ku tageen magaalada Laascaanood maalintii Khamiista, waxaana ay indhahooda ku sooa rkeen maxaabiista, hya’addu waxay sheegtey tirada maxaabiistu ka badan tahay 300 oo maxbuus, sidoo kale qaar qabey dhaawac ayaa loo qaadey Garoowe.

Hay’addu ma sheegin wax tacadi ah in ay soo aragtey, waxaana ay caddetsey in ay gudatey waajubkeedi.

Qoraalka ka soo baxay ICRC ayaa lagu yiri:

Hay’adda ICRC ayaa booqashadeedii ugu horreysay ugu tagtay in ka badan 300 oo maxaabiis ah maalintii Khamiista ee 31 August, 2023 kuwaas oo ku xidhan magaalada Laascaanood.

“…ICRC waxay booqataa maxaabiista labada dhinac ee dirirtu dhexmartay, iyadoo hore u booqatay xabsiga dhexe ee Hargeysa, halkaasoo ay ku jiraan maxaabiis ka soo jeeda SSC Khaatumo. Ujeedada booqashooyinkan ayaa ah mid bini’aadantinimo oo keliya, iyadoo ujeedadu tahay in dhammaan maxaabiista loola dhaqmo si bini’aadantinimo iyo in qoysaskooda ay ogaadaan halka ay ku sugan yihiin.

ICRC

“Waa muhiim in maxbuus kasta, labada dhinac, loola dhaqmo si waafaqsan sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada. Tani waxay ka dhigan tahay in qof kasta oo xiran uu heli karo cunto iyo biyo, waana inaan marnaba la kulmin si xun oo loola dhaqmo,” ayuu yiri Pascal Cuttat, madaxa wafdiga ICRC ee Soomaaliya.

Si loo wanaajiyo xaaladaha xabsiga, kooxaha ICRC waxay sidoo kale gaarsiiyeen bustayaal iyo furaashyo meelaha lagu hayo ee Laascaanood.

Hay’adda Bisha Cas oo kaashanaysa Hay’adda Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) ayaa sidoo kale fududaysay in afar maxbuus oo dhaawac ah loo soo wareejiyo Isbitaalka Qaran ee Garoowe, halkaas oo daaweyn gaar a ay ku helayaan.

Horseed Media