Laascaanood: Koox hubeysan oo dil u geysatay lammaane is qaba

Published: January 31, 2022

Dabley hubaysan ayaa xalay dil u gaystay lammaane is qaba xaafada farxaskule xili ay kusii socdeen gurigooda.

Lama oga cida dilka gaysatay balse waa markii labaad bil gudaheed oo dil noocan oo kale ah oo aan la garanayn cidii gaysatay uu ka dhacay Laascaanood.

Wararka ayaa sheegaya in qoyskan ay aqal gali lahaayeen maalmaha soo socda.

Maamulka Somaliland ee ka arrimiya magaalada Laascaanood ayaa bishii Oktoober ee sanadkii hore magaaladaasi kasoo tarxiiley kumanaan qoysas kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen falalka amni xumo, tarxiilkaasi oo ay Somaliland kala kulantay cambaareynta uga imaaneysay ummada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ayaan hakin dilalkii ka socday magaalada.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *