Laascaanood: Somaliland oo dad rayid ah duqeyn ku dishey

Published: August 13, 2023

Ciidamada Somaliland ee fadhiya saldhig ku yaala duleedka bari ee Laascaanood ayaa duqeyn aan loo meel dayin ka sameeyey magaalada Laascaanood, taas oo waxyeelo ka soo gaartey dad rayid ah.

Laascaanood

Ugu yaraan 7 qof oo ay ku jiraan caruur ayaa ku geeriyootey, dadka geeriyoodey waxa ka mid ahaa oday dhaqameed lagu magacaabo Amiir Jaamac Maxamed Digaale.

Ciidamada maamulka SSC ee ay dhsiteen dadka deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa ka jawaabey duqeynta Somaliland, kadib waxaa xigey dagaal goos goos ah uu ka dhacay bariga magaalada, kaas oo soo gaarey gelinkii hore ee Axadda.

Horseed Media