Laascaanood: Weerarkii lagu dilay Garsooraha Maxkamada Sool

Published: November 18, 2020

Kooxo hubeysan ayaa xalay xarunta gobalka Sool ee Laascaanood ku dilay mid kamid ah Garsoorayaasha Maxkamada gobalkaasi.

Weerarkan lagu dilay Garsoore Cabdulaahi Salaad ayaa la sheegay in kooxdii geysatay ay baxsatay, iyadoo aan weli faah faahin laga soo saarin dilkan ka dhacay magaalada Laascaanood.

Marxuumka ayaa la sheegay in la dilay xili uu kusii jeeday gurigiisa.

Magaalada Laascaanood ayey horey uga dhaceen weeraro qorsheysan oo qaarkood la xariiray aano qabiil oo lala beegsaday saraakiisha ka tirsan maamulka Somaliland ee ka arrimaya magaalada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *