Soomaaliya oo oggolaanshaha duulimaadka kala noqotey shirkado Kenya laga lee yahay

Published: June 1, 2020

Laba diyaaradood oo ka diiwaan gashan dalka Kenya ayaa Dowladda Soomaaliya kala noqotey oggolaanshihii ay ku soo degi jireen garoomada Soomaaliya.

Labada diyaaradod ayaa Wasaaradda Duuista Hawada ee Soomaaliya sheegtey in ay ku soo xadgudbeen sharciga dalka isla amrkaana si qarsoodi ah u soo geliyeen dalka Qaadka Miiraaga ee ka baxa dalka Kenya. Labada shirkadood ee laysanka lagala laabtey ayaa kala ah Buff Air Service iyo Silver-stone Air Service.

Wararku waxay sheegayaan in labada diyaaradood mid kamid ah ay ka degtey garoonka diyaaradaha ee Buuhoodle 26 May 2020, diyaaradda labaad ayaa maalintii shalay ee 31 May 2020 ka degtey magaalada Jowhar iyada oo sida Miiraaga Kenya. labada shirkadood ayaa hawada Soomaaliya ku soo galay in ay wadaan gar-gaar daawo.

Soomaaliya ayaa mamnuucdey qaadka ka imaan jirey dalka dibadiisa, kadib markii uu caalamka uu ka dilaacaya cudurka COVID-19, Qaadka ayaa ah mid nadaafadiisu hooseyso, gacmo badan soo mara, waxaana Soomaaliya uga baxa maalinkasta Malaayiin Dollar.

Sidaas si lamid ah waxaa Qaadka mamnuucey maamulada Somaliland iyo Puntland, laakiin maalmihii ciida ayey fasaxeen, waxaana qaadka ugu badan hadda uga yimaadaa dalka Itoobiya isaga oo la soo mariyo xuduudka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *