Laba Markab dagaal oo ay leedahay UK oo fooda is-daray!

Published: January 20, 2024

Laba ka mid ah maraakiibta Ciidanka Badda Boqortooyada Ingiriiska ee fadhigoodu yahay Bahrain ayaa isku dhacay Sabtidii, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Taliskooda.

Shilkan ay galeen labada Markab ee HMS Chiddingfold iyo HMS Bangor, ayaa yimid kadib markii Markabka lagu magacaabo Chiddingfold uu ku dhacay Markabka Bangor oo xiligaa ku xirnaa dekadda.

Labada markab ayaa ku sugan Gacanka iyada oo qayb ka ah hawlgalka ciidamada UK ee Gacanka iyo Badweynta Hindiya.

Horseed Media