Laba Wasiir oo hortagaya Xildhibaanada Golaha Shacabka

Published: December 22, 2019

Waxaa maanta lagu wadaa in laba ka mid ah Golaha Wasiirada Somaliya ay hortaggaan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya.

Wasiirka Caafimaadka Somaliya, Marwo Foosiya Abiikar Nuur iyo Wasiirka Gargaarka & Maaraynta Masiibooyinka, Xamza Saciid Xamza ayaa maanta hortaggi doono Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa horey ugu yeeray labadaan Wasiir, ka dib markii Xildhibaanada Golaha Shacabka ay qaarkood soo jeediyeen in loo yeero Wasiiradaasi, si su’aalo loo weydiiyo.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay waday su’aalo ay weydiinayan Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *