Labada Aqal Barlamaanka Federaalka Oo Ansixiyay Miisaaniyada 2020ka

Published: December 31, 2019

Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah si wadajir u ansixiyey Miisaaniyadda Sanadka 2020, kaasi oo maalmihii la soo dhaafay ay ka doodayeen.

188 Xildhibaan ayaa ogolaatay Ansixinta Miisaaniyadda Sanadka 2020 , hal xildhibaan ayaa diiday halka ay labo xildhibaan oo kalena ka Aamuseen.

Miisaaniyadda la ansixiyay ayaa gaaraysa $459.5 Milyan,waxayna ka kooban tahay dakhliga gudaha iyo deeqaha dibadda ka imaanaya ee lagu kabayo Miisaaniyadda dowladda Federaalka.

Xildhibaannada labada ayaa maalmihii la soo dhaafay su’aalo ka weydiinayay miisaaniyadda Wasiirka Maaliyadda, waxaana su’aalaha ay u badnaayeen sida loo isticmaalayo iyo qarashaadka loo qoondeeyay hay’adaha dowladda, iyadoo ay xusid mudan tahay in mushaarka ciidamada la kordhiyay, lana gaarsiiyay illaa $200 bil walba.

Ansixinta Miisaaniyadda ayaa noqotay tii u horeysay oo ay wadajir u ansixiyaan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka, iyadoo horay ay Miisaaniyadda u ansixin jireen Golaha Shacabka oo kaliya

Ansixinta miisaaniyaddaan ayaa sidoo kale ku beegmatay  maalintii ugu danbaysay sanadka 2019, si sanadka  2020 oo berri ka bilaabanaya loogu shaqeeyo miisaaniyadda cusub.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *