Labo Askari oo Lagu Dilay Bartamaha Magaalada Bosaso.

Published: January 16, 2017

Rag hubaysan ayaa saladii maqrib ka hor gaadmo ku dilay labo askari oo ka tirsan ciidamada nabad gelyada Puntland, toogashadaasi oo ka dhacday bartamaha magaallo ganacsiyeedka Puntland ee Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Alle ha u naxariistee askarta la dilay oo lagu kala magacaabi jiray Maxamed Jaamac Xirsi yoBashiir Maxamed Cabdiraxmaan, kana mid ahaa Ilaalada Bangiga dhexe ee Puntland ayaa wararku sheegayaan in dablaydii dilka gaysatay ay goobta ka carareen.

Goobjooge ku sugnaa halka uu dilku ka dhacay ayaa Horseed Media u sheegay in goobta dilku ka dhacay ay hayd bartamaha magaalada Bosaso, gaar ahaan wadada weyn oo xiligaas aad u mashquul ahayd, dad iyo baabuur badanina ay marayeen

” Markii hore dhowr xabadood ayaa dhacay, ka dibna rasaas badan oo ciidamadii ku sugnaa halka dilku ka dhacay ay ridayeen ayaa dadkii argagax ku riday, dadkii waratadaa ah iyo kuwii wadada laamiga marayay waa ay kala carareen, jahwareer ka dhacay, intaas ayaan ku sheegi karaa” ayuu yiri goobjoogahan.

Horseed Media waxay kaloo la xiriirtay isbitaalka magaalada Bosaso, halkaasi oo la geeyay askartii la dilay, waxayna saraakiisha isbitaalka noo sheegeen in labada askari midkood isagoo mayd ah la keenay isbitaalka, halka askariga labaad isagoo dhaawac culus qaba la keenay , hase yeeshee isl amarkii la keenay ayay naftu ka baxday.

Saraakiishu waxay intaas ku dareen in rasaastu ay askarta ka haleeshay madaxa iyo caloosha, Sidoo kale ma jirto madax ka tirsan maamulka gobolka Bari iyo Puntland oo ka hadashay dilka ka dhacay magaaladda Bosaso.

Dhinacakale, ciidamada amniga Puntland ayaa xiray qaar ka mid ah wadooyinka magaaladda Bosaso, waxaana fiidnimada caawa la arkayay askar koox koox u socoto oo xaafadaha magaaladda gaafwareegaya, waxaa kaloo la soo sheegay in guddiga amniga gobolka bari ay shir deg deg ay ka yeesheen dilalkii u dambeeyay ee ka dhaca Bosaso.

Gaba-gabadii, Dilalka loo gaystay askartan waxay ku soo beegatay, iyadoo dagaal culus uu xalay ku dhexmaray tuulada af-urur ciidamadda DPuntland iyo maleeshiyaadka Al-shabaab, waxaana dagaalkaas ku dhintay 7 qof.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *