Labo qoys oo ku sumoobey magaalada Qardho

Published: January 18, 2020

Ilaa Sideed ruux oo ka kooban labo qoys ayaa Jimcihii shalay la dhigay isbitaalka magaalada Qardho ee gobolka Karkaar, kadib markii ay ku sumoobeen caano ay cabeen sida ay sheegeen dhakhaatiirta isbitaalka magaaladaas.

Dadka sumoobay waxa ku jira caruur yar yar kuwaas oo midkood uu markii dambe geeriyooday sida ay xaqiijiyeen maamulka isbitaalka gacanta ku haya xaaladda caafimaad ee bukaannada.

Mas’uuliyiinta isbitaalku weli wax faah-faahin ah kama bixin sababta rasmiga ah ee keentay in dadkaas ay ku sumoobaan caanaha, balse waxa ay warbaahinta u sheegeen inay faahfaahin dhab ah ka bixi doonaan.

Sidoo kale waxay sheegeen inay la tacaalayaan xaaladda caafimaad ee bukaannada oo sida ay tilmaameen qaarkood soo bogsanaya, halka qaar kalena ay weli daaweyn iyo baxnaani ku socoto.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *