Labo wiil oo walaalo ah ayaa Muqdisho lagu dilay.

Published: August 23, 2018

Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir waxaa xalay lagu dilay laba wiil oo walaalo sida ay baahisay warbaahinta gudaha , dilkaan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Xaafada Xoosh iyo Ex Koontarool Afgooye, wiilasha walaalaha ah ayaa lagu magacaaba Saaney Faarax iyo Xuseen Faarax , xiliga dilka loo gaystayna waxay ku wajahnaaayeen gurigooda, kooxihii dilka gaystay ayaa goobta ka baxsaday.

Labada wiil ee la dilay ayaa la sheegay in midkood uu askari ahaa , waqtina uu ku jiray fasaxa ciidka , qoyskiisana uu waqti la qaadanayay, ciidama booliska ayaa gaaray halka uu falkaan ka dhacay, waxaana ay goobta ka qaadeen maydadka labada wiil iyagoo gaarsiiyay xarunta dabi barista ee Gobolka Banaadir

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *