Labo Xildhibaan oo lagu doortay Magaalada Dhuusamareeb

Published: February 12, 2022

Guddoomiyaha degmada deyniile Maxamed Abuukar Cali (jacfar) ayaa saakay ku guuleystay kursiga sumadiisa tahay hop#025, kadib doorasho ka dhacday dhuusamareeb.

Xasan cali cismaan oo ah musharaxii isku diiwaan geliyey inuu la tartamo jacfar ayaa tanaasulay, waxaana sidaas jacfar ugu codeysay 100 ka mid ah ergadii kursigaas.

Sidoo kale, xildhibaan Cadar Cali Maxamed ayaa ku guuleysatay kursiga sumadiisa tahay Hop#081,  kadib doorashii ka dhacday dhuusamareeb .

Nasro Maxamed Dalabeey oo ah musharaxii isku diiwaan geliyey inuu la tartamo Cadar Cali Maxamed, waxaana sidaas Cadar Cali Maxamed ugu codeysay 71 ka mid ah ergadii kursigaas.

Doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ayaa si dardar leh uga socota gobollada dal, waxuuna qorshuhu yahay in la soo gabagabeeyo ka hor 25-ka bishan oo ah waqtigii loo asteeyey.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment