Lafta-gareen oo dhabar jabiyay qorshe uu doonayay Farmaajo!

Published: December 23, 2019

Madaxwayne Farmaajo iyo Madaxwayne Laftagareen

Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa markii u horeysay ka hadlay mowqifkiisa ku aadan doorashada dalka ka dhaceysa ee 2021/2020.

Lafta-gareen ayaa ku taliyay in doorashada ay noqotay qaab la isku doorto hannaanka awood qeybsiga 4.5, lana aado deegaanada maamul goboleedyada.

Wareysi uu siiyay Telefishinka SomaliCable ayuu sheegay in la qurxin karo qaabkii ay u dhacday doorashadii sanadkii 2016 ee Xildhibaanada lagu soo doortay deegaanada maamul goboleedyada.

Cabdicasiis, hase ahaatee waxaa uu caddeeyay in ka maamul ahaan uu doonayo in doorashada u dhacdo nidaamka 4.5.

“Ka maamul ahaan waxaa jeclaan lahaa doorashada inay u dhacdo marka u horeysay inta dadka laga tirinayo oo Soomaali tiradeeda laga ogaanayo oo deegaanada ka xoroobayaan in la isku doorto 4.5 iyo in la aado maamul goboleedyada, nin walba uu deegaan doorashadiisa uu tago, muddo kororsina qof Soomaali oo rabo ma jirto, tii 2016 la isku soo doortay ayaa qurxineynaa, waxaa soo dooratay oday dhaqameed 51 ayaa soo dooratay, maanta dad ka badan ayaa soo dooran kara, deegaanada ayaa gaarsiin karaa, ayada waxaa qabnaa in la sii qurxiyo oo meel fiican la sii gaarsiiyo”

Mar la weydiiyay sida uu u arko in madaxweynaha soo dooranayaan baarlamaanka iyo in kale ayuu ku jawaabay in dastuurka ay ku qoran tahay in madaxweynaha ay soo doortaan baarlamaanka Labada aqal.

Hadalkan ka soo yeeray Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa dhabar jab ku ah qorshihii Madaxweyne Farmaajo ee doorashada 2020/2021 ee ahaa in nidaamka doorashada ay noqoto qof iyo cod oo lagu galo xisbiyo, madaxweynaha uu ka yimaado xisbigii ugu cod badan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *