Laftagareen Iyo Deni Oo Ku Kulmay Muqdisho

Published: September 11, 2020
Saciid Cabdullaahi Deni iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa hoyga uu ka degan magaalada Muqdisho ku booqday madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Madaxweynayaasha ayaa ka wada hadlay sidii loo adkayn lahaa xiriirka labada maamul iyo xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qaybgalay Kusimaha wasiirka cadaaladda dowlada federaalka Soomaaliya, guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed, taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliya iyo taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ka mahadceliyey booqashada uu ugu yimid madaxweynaha Puntland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *