Laftagareen: Ma eedeyno walaalaheen naga maqan waa u cudur daareyna

Published: August 21, 2020
Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis X. Maxamed Laftagareen

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa u cudurdaaray madaxdii shirka Dhuusamareeb 3 ka maqnayd ee Puntland iyo Jubbaland.

Balse wuxuu sheegay in haddii lagu casumay shirka inay kasoo qaybgalaan sidii ay iyaguba u iman lahaayeen hadii la casumo, maadaama iyaga xitaa lagu bixiyey dadaal badan oo la sugay.

” Madashan haddaa nimid oo aan isku nimaanay nasiib darro lama wada imaan intii ku balantay, ma eedeyno walaalaheen naga maqan waa u cudur daareyna, dadka isku aragti ma ahan isku siyaasad ma ahan, laakiin gogol haddii la dhigo waa in la galaa oo la fariista walaalaha sugeynay dadaal tira badan loo galay, hala baxo hala aado haddii la dhihi lahaa intaas diyaara u aheyn”

Madaxweyne Laftagareen

Hadalkan ayuu madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ka sheegay xafladii lagu soo xirayey wajiga seddexaad ee shirka Dhuusamaraab, waxayna kadib isaga iyo madaxweynaha Hirshabeelle u raaceen Muqdisho madaxweyne Farmaajo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *