Laftagareen Oo Dhamaystiray Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare Ee K/Galbeed

Published: August 13, 2021

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa soo dhameystiray Liiska Musharaxiinta Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ee Maamulkaas.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa xalay soo saaray Musharaxiinta Lix kursi oo ka harsaneyd Senatorada laga soo doorto deegaanada Koonfur Galbeed, waxaana kuraastaas ku tartamaya laba Musharax oo dooneysa inay kamid noqdaan Golaha Aqalka Sare.

Doorashada Musharaxiintan ayaa lagu wadaa in Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ka dhacdo maalinta berri oo taariikhda ku beegan tahay 15-ka bishaan Agoosto 2021, sida lagu shaaciyay Jadwal ay soo saareen Guddiga doorashooyinka KGS.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *