Laftagareen Oo Dib Ugu Soo Laabtay Muqdisho

Published: March 21, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo mudadan ku maqnaa wadanka Turkiga ayaa maanta dib ugu so laabtay Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyey xubno ka tirsan goleyaasha dowladda iyo qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Laftagareen ayaa caasimadda u yimid ka qeyb galka shirka ka dhacaya Teendhada Afisyooni kaasoo uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo oo looga hadlayo khilaafka doorashada.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa horey ugu sugnaa Madaxweyneyaasha Galmudug, Hirshabeelle, Jubbaland iyo Puntland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *