Laftagareen oo mooshin laga wado & Xildhibaano ka hadlay

Published: May 24, 2022

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka waxaa ka billowday guux siyaasadeed iyo abaabul mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen, kadib markii ay soo dhammaatay doorashadii socotay.

Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka ee kasoo jeeda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed oo uu kamid yahay Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay inay abaabulkaas wadaan siyaasiyiin iyo xildhibaano kasoo jeedo Koonfur Galbeed.

“Madaxweynaha haddii la doortay dad annaga naga mid ah Digil iyo Mirifle ka mid ah ayaa system waxay wadaan inay burburiyaan maamulka inta ka jira maamul la burburiyeyna waxa uu leeyahay waa kaseynaa dhibaatuu leeyahay,” ayuu yiri Mahad Cabdiraxmaan.

Taliyihii hore ee ciidamada Asluubta ayaa sidoo kale tilmaamay in arrintan ay tahay mid la doonayo in lagu burburiyo dhismaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Hadalka Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan ayaa kusoo aadaya xilli dalka loo doortay Madaxweyne Cusub oo shaley si rasmi ah xilka ula wareegay

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *