Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xilalkii ka qaadey qaar kamid ah golihiisa Wasiirada,isaga oo kuwa Cusub Magacaabay.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2020/02/LAFTA.jpg)
Wareegto kasoo baxdey Xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa xilkii looga qaadey Wasiirkii Waxbarashada C/raxmaan Cusmaan Malaaq,Wasiirka Shaqada & Shaqaaaha Feysal Cabdullaahi Cali iyo wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Jabriil Maxamuud Aadan.
Dhinaca kale Madaxwyene laftagareen ayaa xilka Wasiirka Waxbarashada u Magacaabay Maxamed Yuusuf Xasan, Wasiirka Shaqada & Shaqaalaha, Cabdulqaadir Cumar C/llaahi halka Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada loo Magacaabay Cabdi fitaax Isaaq Maxamed sida uu warbaahinta u akhriyay agaasimaha warfaafinta Madaxtooyadda dowlad goboleedka koofur galbeed mudane Maxamed Cali Ibraahin.
HORSEEDMEDIA