Laftagareen: “Shahaadada wadani-nimada hadii reer gaar ah bixinayo aan aragno meesha ay ka shaqaynayso”

Published: September 9, 2024

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar shaqo ugu maqnaa dalka dibaddisa ayaa si diiran loogu soo dhoweyey magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay

Wasiiro, xildhibaano, maamulka gobolka Baay , kan degmada Baydhabo, saraakiisha hay’addaha amniga, odeyaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Baydhabo ayaa wafdiga madaxweynaha kuso dhoweyey garoonka diyaaradaha Dr Shaati-Gaduud.

Madaxweyne Laftagareen oo la hadlay masuuliyiintii iyo shacabkii soo dhoweeyey ayaa ugu horeyn u mahadceliyey, dhanka kalena ka jawaabay hadalo kasoo yeeray xildhibaanada ka tirsan BFS, kuwaas eedeeyey inuu yahay Laftagareen qaran-dumis taageersan dowladda Itoobiya, xildhibaanada ayaa ku hayb ah madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

“Shahaadada wadani-nimada hadii reer gaar ah bixinayo aan aragno meesha ay ka shaqaynayso” ayuu yiri madaxweyne Laftagareen.

Horseed Media