Liiska Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ee rasmiga ah oo gaaraya 75 xubnood [2022]

Published: August 2, 2022
Liiska Golaha wasiirada cusub 2022

Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa 37 maalmood kadib ku dhawaaqey golihiiisi wasiirada, waxaana uu ugu walqaley in ay yihiin Dan Qaran.

Golahan ayaa ka kooban 25 wasiir, 25 wasiir ku-xigeen iyo 24 wasiiru-dowle iyo Raysalwasaarwe ku-xigeen, isku dar waa 76 marka lagu darro wasiirka kowaad Xamse Cabdi Barre

Waxaa haween ka ah Saddex gabdhood, laakiin waxaa gabdho badan ku jiraan Wasiiru Dowlayaasha. Golaha wasiirada waxaa Xildhibaano ka ah 14 Xildhibaan, halka inta kale laga soo qaatey banaanka laakiin wasiiru dowlayaasha iyo wasiir ku-xigeenada ayaa badankood ka yimaadeen Golaha Shacabka.

Wasaaradaha qaar ayaa la baabi’yay, mid kalana waa la abuuray.

Waxaa Meesha laga saaray wasaaraddii Gargaarka iyo Musiibooyinka, malaha maadama madaxweyne Xasan Sheekh uu horey u magacaabay, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ergeyga gaarka ah ee arrimaha abaaraha iyo gargaarka bani’aadamino.

Sidoo kale waxaa meesha laga saaray wasaaradda dastuurka oo horay gooni ugu taagneyd, waxaana hadda la raaciyey wasaaradda cadaaladda oo noqoneysa wasaaradda Cadaaladda iyo dastuurka, waxaana loo magacaabay Xasan Macallin.

Wasaaradda Deegaanka iyo isbeddelka Cimilada ayaa cusub oo awal ahayd hay’ad.

“Xukuumad Xil-kas ah ayaan idiin magacaabay, ka dib latashi aan layeeshay Madaxweynaha , waxaan ku faraxsanahay in aan soo bandhigo gabdho iyo wiilal aan kusoo xushay karti, hufnaan iyo aqoontooda, iyagoo ka jawaabaya baahida marxaladda dalka maraayo”

Xamse Cabdi Barre, Wasiirka kowaad

Hoos ka akhri Liiska rasmiga ah:

  1. Saalax Axmed Jaamac – raysalwasaare ku-xigeen
  2. Sh. Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Awqaafta
  3. Xasan Macalim Maxamuud Wasiirka Caddaalada iyo Dastuurka
  4. Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) Wasiirka Dekadaha iyo gaadiidka badda
  5. Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe)  Wasiirka Amniga Gudaha
  6. Axmed Macalim Fiqi Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaakka iyo dib u heshiisiinta
  7. Jaamac Xasan Khaliif Wasiirka Boostada & isgaarsiinta
  8. Dr. Calimi Maxamuud Nuur Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
  9. Cabdulqaadir Maxamed Nuur Wasiirka Difaaca
  10. Abshir Cumar Huruuse Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah
  11. Faarax Sheekh Cabdulqaadir Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare
  12. Biixi Imaan Cige Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha
  13. Fardowso Cismaan Cigaal Wasiirka Gaadiidka cirka iyo dhulka
  14. Maxamuud Cabduraxmaan Sheekh (Beene Beene) – Wasiirka Qorsheynta iyo maalgashiga caalamiga ah
  15. Cabdirasaq Maxamed Cumar Batroolka & Macdanta
  16. Axmed Xasan Aadam Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheeyraadka Badda
  17. Xil. Cali Xaaji Aadam Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Daryeelka Bulshada
  18. Ismaaciil Cabdiraxmaan Sh. Bashir – Wasiirka Wasaaradda hawlaha Guud iyo Guriyeynta
  19. Jamac Taqal Cabbaas – Wasiirka Tamarta iyo Biyaha
  20. Maxamed Barre Maxamuud Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga
  21. Axmed Madoobe Nuunow (Beeraha)
  22. Jibril Cabdirashid Xaaji – Wasiirka Wasaaradda ganacsiga iyo wershadaha
  23. Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay) Xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa
  24. Da’uud Aweys Jaamac Wasiirka Warfaafinta
  25. Khadija Maqzuumi Wasiirka Bay’adda iyo Isbeddelka cimilada
  26. Khadija Maxamed Diriye Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuql Insaanka

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment