Lix Alshabaab ah oo Lagu Dilay Waqooyi Bari Kenya

Published: March 13, 2020

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in lix ka tirsan dagaalyahanada Alshabaab ay ku dileen degaanka Jirole oo ka tirsan Ismaamulka Gaarisa

Nicholas Ndlan oo ah isku duwaha amniga u qaabilsan dowladda keyna gobolka waqooyi bari ayaa xaqiijiyay dalka lixda dagaalyahan, waxaa kaloo uu sheegay in nolol lagu qabtay dagaalyahan kale

” Ciidamada gaarka ah ee Kenya waxaa uu suurtagashay inay qabtaan Hal Dagaalyahan kaasi oo laga daaweynayo dhaawacyo soo gaaray” sidaas waax yiri Ndlan

wuxuu sheegay inay shaki ka qabaan inuu baxsday dagaalyahan kale oo alshabaab ah kaasi oo dhaawac ah, isagoo sheegay inay rajo ka qabaan inay soo qabtaan.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmayso maalin ka hor markii labo qof lagu dilay degaanka Mandheera ee kenya, mid kalena la laayahay ka dibmarkii weerar looga shakisan yahay alshabaab lagu qaaday baabuur marayay wadada isku xirta gobolada waqooyi bari kenya.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *