London: Madaxweyne Xasan khudbad ka jeediyey hay’ada Cilmi Baarista Militariga ee RUSI

Published: November 22, 2023

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday xarunta Cilmi Baarista Militariga / Amniga ee RUSI (The Royal United Services Institute).

Kulankan ayaa looga hadlay duullaanka dowlada Soomaaliya ee ka dhanka ah Al Shabaab iyo qorshaha dowlada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa faahfaahiyey marxaladaha uu soo maray dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta iyo caqabadaha iyo horumarka laga sameeeyay.

Wuxuu sheegay in markii ugu horeysay ay dowladdu dajisay siyaasad cad oo lagula dirirayo argagixisada taas oo ay saldhig u tahay in la qaado dagaal saddex jiho ah: Dagaal militari, dagaal dhaqaale iyo dagaal fikir oo lagu baabi’inayo fikirka guracan ee Khawaarijta.

Madaxweynaha oo dulmaray horumarka laga sameeeyay howlgalada ayaa tilmaamay Sideetan deegaan oo Khawaarijta dadka ku dhibaataynaysay ay maanta xor yihiin. Dowladda Federaalkana ay dhulkaasi gaarsiisay adeegyadda aasaasiga ah sida waxbarasho, caafimaad iyo biyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Qorshaha DFS ee la wareegidda mas’uuliyadda amniga dalka iyo bixitaanka ciidamada ATMIS ayaa sheegay in dowladda ay dadaal xooggan galisay dib u dhiska ciidamada qaranka ayna ka go’antahay in waqtiga kooban dalka looga sifeeyo argagixisada.

Madaxweynuhu Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada ATMIS dalka ka baxayaan dabayaaqada sanadka soo socda 2024.