lsreal oo ciidamo horleh looga dilay dagaalada ka socda Bartamaha iyo Koonfurta Gaza

Published: February 4, 2024

Xili dagaalka ka socda Gaza uu galayo bishii shanaad ayaa waxaa weli dagaalo xoogan ka socdaan Waqooyiga, Bartamaha iyo Koonfurta halkaasi oo ciidamo looga dilay militariga Israel.

Xoogaga Xamaas ayaa muuqda inay weli awood ku leeyihiin Waqooyiga iyo Bartamaha Gaza oo ay Israel horey u sheegtay inay ciidamadooda la wareegeen, waxaana maanta oo Axad ah askar looga dilay dagaalka ka socda Bartamaha Gaza.

Israel ayaa qiratay in dagaalka maanta looga dilay hal askari, balse warar kale ayaa sheegaya in ugu yaraan 10 askari looga dilay dagaalada ay la galeen dagaalyahanada Xamaas.

Israel ayaa maanta oo Axad ah duqeyn xoogan la beegsatay koonfurta Gaza, gaar ahaan Khan Yunis iyo magaalada Rafah oo ah halka ay ku sugan yihiin inta badan shacabka guryahooda laga baro-kiciyey.

127 qof oo shacab ah ayaa ku dhintay duqeynta Israel ku wado deegaankaas tan iyo Sabtidii shalay.

Maamulka caafimaadka Gaza ayaa sheegay maanta tiradda shacabka lagu dilay tan iyo markuu dagaalka bilowday ay gaareyso 27,300 oo Falastiiniyiin ah. Waxay sheegeen in boqolkiiba 70 dadka la dilay ay ahaayeen haween iyo carruur.

Horseed Media