Joseph Aoun, taliyaha ciidamada Lubnaan oo khamiistii loo doortay madaxweynaha.
Taliyaha ciidamada Lubnaan Joseph Aoun, ayaa loo doortay madaxweynaha wareegii labaad ee codbixinta baarlamaanka Khamiistii.
Joseph Aoun oo ah 60-sano jir, askari xirfadle ah ayaa ka ilaalinayay mikitariga dalkaas inuu ka qeyb qaato dagaalkii dhawaan dhexmaray Israel iyo kooxda hubaysan ee Xisbullah. Wuxuu la wareegay hogaanka ciidamada 2017.
Waxaa doorashadiisa taageersanaa Mareykanka iyo sidoo kale Sacuudi Carabiya, waxaa loo arkaa inuu yahay kan ugu wanaagsan ee ilaalin kara xabad-joojinta dagaalka Israel iyo inuu dalka ka saaro burburka dhaqaale.
Dhowr iyo toban isku day oo hore oo lagu doonayay in lagu doorto madaxweyne ayaa fashilmay iyadoo ay jirto xiisad u dhaxeysa Xisbullah iyo mucaaradka, kuwaas oo ku eedeeyay kooxda Shiicada ah inay doonayaan inay soo daaraan musharaxa ay doorbidayeen.
Horseed Media