Ma dhabbaa in uu iscasilay Maxamed Cumar Macalin

Published: August 9, 2018

Wararka aan ka helayno magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa sheegaya in uu iscasilay Xoghayihii Joogtada ahaa ee wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Maxamed Cumar Macalin,.

Sababaha uu isku casilay XoghayahaJoogtada ahaa ee wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ayuu ku sheegay duruufo adag oo u saamixi waayay in uu sii wato howlihii shaqo.

Warar kale ayaa sheegaya in is casilaada xoghaye Maxamed ay la xiriirto kiiskii ahaa lunsashada lacagta ee dhawaan lagu soo eedeeyay Daahir Maxamed Nuur oo ahaa Agaasime waaxeedka Dib u dejinta Barakacayaasha ee wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, kaasoo markii dambe loo xiray.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ku kaliftay in uu iscasilo xoghayihii joogta ahaa ee wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka balse dadka taxliiliya arimaha siyaasada ayaa aaminsan in tani ay wiiqeyso hanaanka dowladnimo ee dalka iyo shaqooyinkii horyaalay masuuliyiinta dowlada ee iscasilaya.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *