Maalinguur oo ka tirsanaa al-Shabaab oo isa soo dhiibey, wuxuu horey u geystey denbiyo waaweyn!

Published: August 29, 2023
Shares84

Nuur Cabdullaahi Maalinguur oo ahaa horjoogaha al-Shabaab ee gobolka Mudug ayaa sheegtay in uu ka soo baxsadey ururka al-Shabaab wuxuu isu soo dhiibey dowladda federaalka.

Sida laga soo xiganayo war-saxaafdeed ay soo saartey hay’adda la dagaalanka argagxisada iyo sugidda amniga ee PSF, Maalinguur ayaa ka danbeeyey falal denbiyo ah oo waaweyn oo lagu waxyeeleeyey saraakiil sarsare iyo masuuliyiin kale.

Maalinguur ayaa ahaa maskaxdii ka dambeysay qaraxyo dhowr ah oo galaaftay nolosha mas’uuliyiin uu ka mid ahaa C/casiis C/llaahi Qooje oo ahaa taliyihii qeybta 21-aad ee ciidamada xoogga dalka; Maxamuud Yaasiin Tumey, Duqii hore ee Gaalkacyo; iyo Mukhtaar Cabdi Aadan oo ahaa taliyaha ciidamada Danab ee gobolka Mudug. Wuxuu sidoo kale masuul ka ahaa qaraxii weynaa ee ka dhacay suuqa Dayax ee magaalada Gaalkacyo bishii May 2020 ee lagu dilay guddoomiyihii gobolka Mudug, Axmed Muuse Sanyare, sida lagu sheegay war saxaafadeedka PSF.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda federaalka oo isla sawirey ninkan ka tirsanaa al-Shabaab ayaa sheegay in uu u qaabilsanaa arrimaha ahwlgelinta iyo dhaqaalaha.

Maalinguur waxa uu ka mid ahaa kuwa dowaldda Maraykanku madaxooda ay lacagta dul dhigtey.

Horseed media