Maalinta doorashada shir-guddoonka Baarlamaanka oo lagu dhawaaqey

Published: January 2, 2017

Guddiga qaban-qaabada doorashada shirguddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka kooban 15 xubnood ayaa maanta oo isniin ah isugu yimid shirkoodi u horeeyey oo ay uga hadlayaan jadwalka doorashada iyo in ay iska dhex doortaan guddiga fulinta ee guddiga.

Guddiga qaban-qaabada ayaa doortey guddoomiyaha guddiga iyo ku-xigeenadiisa, waxaana loo kala doortey sidan:

  • Xil. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada doorashada
  • Xil. Sacdiya Yaasiin Xaaji Samantar Guddoomiye kuxigeenka
  • Xil. Aadam Isaaq Cali Xoghaynta Guddiga.

Guddiga qaban-qaabada ayaa sidoo kale iska dhex magacaabey laba guddi hoosaad kuwaas oo kala ah:

  1. Guddi hoosaadka diiwaan gelinta musharixiinta
  2. Guddi hoosaadka shaqada guud iyo Maaliyadda

Guddiga qaban-qaabada ayaa soo saarey jadwalka doorashada shir-guddoonka Baarlamaanka oo ka bilaameysa maalinta berito ah oo laga doonayo in Musharixiintu ay soo gudbiyaan codsigooda isla markaana dhaqaalaha lagu xirey ay ku dhubaan koonto laga furey Bangigaga Dhexe.

Doorashada ayaa loo muddeeyey laba maalmood 11 Janaayo 2017 ayaa loo muddeeyey in ay dhacdo doorashada afhayeenka Baarlamaanka, halka 12 Janaayo loo mudeeyey in ay dhacdo labadiisa ku-xigeen.

Ma jiraan ilaa hadda musharixiin badan oo isu soo taagey xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka. Waxaa ol-ole xooggan ka wada Muqdisho Xildhibaan Xiddig oo ay u ol-oleynayaan Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo musharax ah iyo Madaxweynaha Galmudug iyo weliba Madaxweyne Xasan Sheekh sida Horseed ogaatey.

Warar ayaa sheegaya in maalmaha soo socda ay dhici karto in ay isasharaxaan Xildhibaano miisaan culus leh oo ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *