Maalinta Puntland, 1-da Agoosto Maxay u Taagan Tahay?

Published: August 1, 2022
Shares216
Maalinta Puntland 1-da Agoosto 1998

Puntland waxaa la asaasey sanadkii 1998, kadib shirweyne loo fadhiyey muddo bilo ah oo ka dhacay Garoowe, waxaana ku heshiiyey ergooyin ka socdey gobolada Bari, Nugaal, Waqooyiga Mudug, Sool iyo Sanaag oo laga reebay Galbeedkiisa iyo weliba deegaanka Buuhoodle oo ka tirsanaa gobolka Togdheer.

1da Agoosto 1998 waxay ahayd maalintii la dhamaystiray Dowladdnimada Puntland ee la soo xulay Xildhibaanada ku yimid hab-qaybsiga gobolada.

Maamulada soo marey Puntland ayaa si weyn ugu kala duwan xuska maanta oo kale, waxaana xuskii ugu weynaa loo sameeyey sanadkii 1999 oo u ekaa mid mileteri iyo sanadkii 2009 doorashadii Madaxweyne Faroole kadib, laakiin markasta waxaa xuska saameyn ku lahaa xaaladda markaas dalku ku jiro iyo duruufaha jira.

Sanadkan 2022 ayey ku soo beegmatey xilli duruuf adag dalka ay ka jirto, abaar gees-ka-gees saameysey, maciishada oo kor u kacdey, iyo dakhliga dadka oo aad u hooseeya.

Waxaa la dhihi karaa Puntland maanta waxay boqol jeer ka weyn tahay middii la asaasey 1998, dhaqaale ahaan iyo maamul ahaan, waxaa u qabsoomey wax badan oo wax tar u leh jiritaanka bulshada, sida horumar dhaqaale, horumar kaabayaasha dhaqaalaha, horumar waxbarashada iyo ganacsiga, iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah.

Dhanka kale waxaa la dhihi karaa marka la eego muddo 24 sano ah waa ayaan darro in wax isbeddel siyaasadeed ah aysan sameyn ee uu taagan yahay halkiisi qaadeyna toobiyihii ay ka tageen asaasayaashii Puntland.

Maamuladii soo marey Puntland waxay ku fashilmeen in ay dalka gaarsiiyaan doorashooyin xor ah, taas oo ballantu ahayd in ay dhacaan 2001, maamulkii u horeeyey ee la dhiso ayaa ahaa mid kumeel gaar ah oo saddex sano ah. Dadkii ku shiraakoobey dhisitaanka Puntland ayaa kala fur-furmey gaar ahaan inta badan gobolka Sool ayaan jiritaanka Puntland laga dareemayn, waxaana magaalooyin badan oo kamid ah Sool gacanta ku haya Somaliland. Magaalooyin ka mid ah gobolka Sanaag gaar ahaan kuwa bariga dhaca ayaa waxaa saameyn ku leh maamulka Somaliland.

Ugu danbeyntii dhismihii Puntland waxay ahayd mid wax badan ka beddeshey nabadda, dhaqaalaha iyo nolosha dadka Puntland iyo Soomaaliya guud ahaan, waxay horseedey Soomaalida kalena ay tustey in dadku wax qabsan karo haddii ay isku tashtaan.

1-da Agoosto ayaa u taagan midnimada iyo jiritaanka Puntland iyo xasiloonida guud ee Soomaaliya, soo celintii rajada Soomaaliya ee laga soo bilaabey hoos, waxay ahayd dhagaxii u horeeyey ee loo dhigo dowladda Soomaaliya ee maanta la harsanaayo, Puntland waxay dhaqaale xoogan ku bixisey dowladdii u horeysey ee Federaal ah ee dib u fariisata Villa Somalia, waxaana ay horseed u noqotey in dadku ka baxaan fawdada oo iyagu maamulkooda gacantooda ku dhistaan, waxna la wadaago waxna la kala lee yahay.

Hambalyo maalinta Puntland ee 1-da Agoosto.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *