Maamulka Degmada Jariiban oo Ka Warbixiyay Hawlgaladii La Dagaalanka Burcad-badeeda [Dhagayso]

Published: February 22, 2012

Maamulka degmada Jariiban ee gobolka Mudug ayaa ka warbixiyay hawlgaladii la dagaalanka burcad-badeeda ee mudooyinkii u danbeeyay ka sococday deegaan xeebeedka hoostaga degmada Jariiban .

Gudoomiyihii hore ee degmada Jariiban haatana ah afhayeenka Degmada jariiban cabdicasiis Aw Yuusuf (Xaarin) oo isagoo jooga magaalada Garoowe u waramay warbaahinta Horseed Media ayaa sheegay in meel fiican ay marayso hawl-galkii ladagaalanka Burcad-badeeda ee ka socday deegaanada hoostaga degmada jariiban .

Afhayeenka degmada Jariiban waxaa kaloo uu sheegay in ay soo dhamaadeen hawlgalkii mudada soconayay ee la dagaalanka burcadbadeeda isla markaana haatan ay wadaan maamulka Jariiban dadaalo ku aadan sidii ay uga dhaadhicin lahaayeen hay’adaha caalamiga ah in ay tagaan oo shaqadooda ka bilaabaan.

Cabdi casiis Aw Yuusuf ayaa dhanka kale kale ugu baaqay dawlada puntland iyo Hay’adaha deeqaha bixiya in ay si dag dag ah ugu abuuraan xirfado iyo shaqooyin dhalinyarada ka soo laabtay falka burcad-badeednimada ah ee jooga deegaanada ku teedsan badweynta hindiya.

Dhagayso Waraysiga Afhayeenka degmada jariiban Mr Xaarin

[powerpress]

Mr Xaarin ayaa sidoo kale ka warbixiyay booqashada ay ku joogaan Caasimada Puntland ee Garoowe waxaana uu ku tilmaamay mid ay dawlada uga warbixinayaan shaqooyinkii ay ka soo qabteen degmada iyo halka ay ku dhamaadeen hawlgaldii burcabadeeda ee degmada Jariiban .

Waxaa kaloo uu sheegay Mr Xaarin in haatan ay jiraan Hay’ado badan oo doonaya in ay tagaan degmada jariiban si ay uga bilaabaan hawlahooda shaqo iyagoo markii hore ka cabsi qabay falalka burcad-badeednimo ee ka jiray deegaan xeebka hoostaga degmada Jariiban .

Gudoomiyihii hore ee degmada jariiban waxaa kaloo uu ka hadlay maraakiibnta nooca kaluumaysiga oo jariif ba’an ku haya xeebaha degmada jariiban waxaana uu caalamka ugu baaqay in wax laga qabto maraakiibtaas sida sharci darada ah uga kaluumaysta badaha soomaliya.

Ugu danbaytii Mudane Xaarin ayaa digniin culus u diray dhalinyaro fara badan oo ku taamaysa in ay ka duulaan tagaan deegaaan xeebeedka degmada Jariiban isagoo sheegay in ay gacan bir ah ku qaban doonaan cidii isku dayda in ay jabiso sharuucda deegaanka ee ladagaalanka burcad-badeeda.

 

Axmed Maxamed Cali [Caano-geel]

Horseed- media

Gaalkacyo -Puntland