Maamulka Dhuusamareeb oo soo saaray amaro quseeya bilicda magaalada.

Published: April 10, 2020

Maamulka degmada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa soo shaaciyay amaro la xiriira dadka iska leh xoolaha ku dayacan wadooyinka magaalada in Muddo 48 saacadood gudahood ah ay ku xareystaan xoolahooda kana dhex saaraan gudaha Magaalada.

Mas’uul u hadlay Maamulka degmada ayaa sheegay in dhowaan la bilaabayo in dhammaan xoolaha lagu arko wadooyinka waaweyn ee magaalada laga ururin doono Sidoo kale waxa uu sheegay in la ganaaxi doono neef walba lacag dhan boqol kun oo shillin Soomaali ah.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu wadaa in ay ka dhacdo munaasabada caleema saarka Madaxweynaha Galmudug iyadoo inta badan khilaafkii u dhexeeyay siyaasiyiinta Galmudug xal laga gaaray.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *