Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaarada Shaqada oo kala saxiixday barnaamij dadka danyarta ah.

Published: May 19, 2020
Gudoomiye Cumar Filish iyo Wasiir Sadik Warfaa

Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada ee Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta kala saxiixday barnaamij lagu taageerayo danyarta ku nool magaalada muqdisho, barnaamijkaan ayaa qayb ka ah mid lagu taageerayo dadka saboolka ah iyo kuwa danyarta kaas oo lagu magacaabo Baxnaan.

”Waxaan si wadajir ah maanta u saxiixnay anniga iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish mashruuc ay wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ku taageerayso dadka danyarta ah iyo kuwa nugul ee gobolka Banaadir, Wasaarada waxaa ka go’an la-dagaallanka saboolnimada iyada oo la taageerayo muwaadiniinta kuwooda ugu nugul” ayuu yiri wasiirka arimaha bulshada Sadik Warfaa oo war kooban ku baahiyay bartiis Facebook.

Wasiirku waxa uu sheegay in Branaamijkaan uu guud ahaan gaari doono goboladda Puntland sidoo kalena dawladu ay waddo qorshe lagula dirirayo saboolnimada ”La-dagaallanka saboolnimada wuxuu si isku mid ah u gaaray dhammaan gobollada dalka” ayuu yiri Sadik Warfaa

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *