Maamulka gobolka Banaadir oo amar dul dhigay Maamulada Degmooyinka ee gobolkaasi

Published: April 25, 2023

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiir Dowlaha Wasaarada Amniga Gudaha Maxamed Cali Xagaay, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed General Sulub Axmad Firiin iyo Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa kulan dardaaran iyo bogaadin ah oo ku saabsan xoojinta Amniga Caasimadda la qaatay Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir Iyo saraakiisha Laamaha Amniga.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xog’hayaha guud ee Maamulka Gobolka.

Madaxda iyo Saraakiisha kulankan ka hadashay ayaa si wadajir u amaanay hey’addaha Amniga iyo Maamulada Degmooyinka sidii wanaagsaneyd oo ay Amniga Caasimadda u maareeyeen bishii barakeysneyd ee Ramadaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ka hadlay kulanka ayaa Saraakiisha iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka faray in ay degaan Degmooyinka ay mas’uulka ka yihiin, si loo xoojiyo Amniga Magaalada.

Kulankaan ayaa ku soo beegmaya xilli Maamulka Gobolka Banaadir uu Caasimadda ka bilaabay hawgallo lagu xaqiijinayo Amniga iyo kuwa lagula dagaalamaya waxbaayaha Maanka Dooriya.

Horseed Media