Maamulka Gobolka Banaadir oo fuliyay howlgal ka dhan ah Maandooriyaha & Dhaqan Xumada

Published: April 24, 2023

Maamulka Gobolka Banaadir oo kaashanaya Hay’adaha Ammanka Dowladda Federaalka ayaa howlgal loogu magacdaray la dagaalanka Maandooriyaha iyo Dhaqan Xumada wajigiisii labaad ka fuliyay dhowr xarumood oo ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa howlgallada ka dhanka ah goobaha lagu isticmaalo Walxaha maanka-dooriya iyo Dhaqan xumada.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh oo faah-faahin ka bixiyay howlgalkaan ayaa sheegay in lasoo qabtay hub iyo darees ciidan oo yaallay mid kamid ah goobahaas howlgalka laga sameeyay.

Sidoo kale waxa uu Guddoomiye ku xigeenka sheegay inta uu howlgalka socday in lagu soo qabtay Dhalinyaro Rag iyo Dumar ah oo intooda badan isticmaaleysay walxaha maanka-dooriya.

Maamulka Gobolka Banaadir habeen kahor Albaabada isugu laabay Shan Xarumood oo lagu isticmaali jiray waxyaabaha Maanka dooriya, kuwaas oo ku yaallay Xeebta liido ee degmada Cabdul Casiis ee Gobolka Banaadir.

Horseed Media