Maamulka Gobolka Gedo oo ka horyimid in Ciidamada DFS laga saaro gobolkaasi

Published: May 19, 2022

Maamulka Gobolka Gedo ayaa si adag uga horyimid in Ciidamada Dowladda laga saaro gobolkaasi, xilli Dowlad Goboleedka Jubbaland ay u ololeynayso, sidii ciidamadaasi dib loogu celin lahaa xeryahooda.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo, Axmed Buulle Maxamed (Gareed) ayaa ku gacan-seyray in ciidamada laga saaro gobolkaasi, isagoona hoosta ka xariiqay in weli ay taagan tahay baahidii markii horeba ciidamadaasi loo geeyay gobolka xuduudda ku yaala.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in Madaxweynaha cusub ee Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud uu xog ogaal u yahay xaaladda gobolka, isla-markaana ay wanaag uun ka filayaan dowladdiisa.

Gudoomiye Gareed ayaa yiri “Shalay caawinta shacabkooda ayay ku yimaadeen, marka xuduudooda la qaadanayay, badoodana la rabay in la qaato, dhulkana dhul Soomaaliyeed weeye, dhul dal kale ah ma’aha, meel kasta ayay taggi karaan.”

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa qorsheynaysa inay gacanteeda dib ugu soo celiso gobolkaasi, ka dib doorashada dalka ka dhacday ee looga adkaaday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo dowladdiisu ay dhowr kun oo askari gaysay gobolkaasi.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *