Maamulka Gobolka Mudug oo Soo dhaweeyay Go’aamadii Shirka Wada Tashiga Garoowe 2

Published: February 18, 2012

Maamulka gobolka Mudug ayaa soo dhaweeyay go’aamadii ka soobaxay shirka wadatshiga Soomalida ee Garoowe 2

Gudoomiyaha gobolka Mudug maxamed Yuusuf jaamac (Tigey) oo la soo xariiray xafiska warbaahinta Horseed Media ee gobolka Mudug ayaa sheegay in maamulkiisa ay si weyn u soo dhaweynayaan qodobada dhaxal galka ah ee laga soo saaray shirka wad tashiga Soomalida ee Garoowe 2

Gudoomiyaha ayaa dhanka kale ka hadlay rajada ay shacabka soomaliyeed ka qabaan in ay dib u soo laabato dawladnimadii soomaliya iyo xasiloonidii dalka waxaana uu ka dhawaajiyay gudoomiye tigey in dawlada Puntland ay u muuqato waqtigan in ay abuurayso rajo ku aadan dib usoo noolashihii wada jirkii iyo xasiloonidii dalka Soomaliya .

Mr Tigey waxaa kaloo uu amaan balaaran u soo jeediyay shacab weynaha reer Puntland meel kastoo ay joogaan isagoo sheegay in ay yihiin shacab jecel in soomaliya ay dib u midawdo isla markaana ay dib u soo ceshato sharftii iyo maqaamkii ay ka taagneed caalamka .

Maxamed Yuusuf Jaamac gudoomiyaha gobolka Mudug ayaa kula dardaarmay dhamaan shacabka Soomaliyeed meel kastoo ay joogaan in ay soo xasuustaan hibadii iyo sharftii ay lahaayeen gobanima-doonkii soomaliyeed ee SYL iyo dhalinyaradii soomaliyeed ee halganka dheer u galay in ay helaan madax banaani iyo dawladnimo.

“Bulshada soomaliyeed waa in ay garwaaqsadaan dadaalkii dheere ee dhiigu ku daatay mahan in ay iloobaan halgamaa Cabdulaahi ciise iyo dadaalkiisi uu naftiisa u hibeeyay madabanaanida Soomlaiya ,maantana halka xaalada soomaliya ay marayso waa marag ma doonto” ayuu yiri gudoomiye Tigey .

Soo dhaweynta maamulka gobolka ee shirka Garoowe 2 waxay ku soo beegmaysaa iyadoo maanta ay qaar ka mid ah waxgaradka iyo aqoonyahanada gobolka Mudug ay taageereen dhamaan go`aamadii lagu heshiisay ee ka soo baxay shirkii 2aad ee wada tashiga Soomalida oo lagu qabtay magaala madaxda Puntland Garoowe.

 

Horseed Media

/p